Paul Pogba oo kaligiis u duulay Dubai…(Muxuu markii hore uga haray xiddigaha kale ee kooxda??)+SAWIRRO

(Manchester) 07 Jan 2019. Paul Pogba ayaa kaligii u duulay Dubai xilli ay xiddigaha kale ee kooxda kol hore gaareen dalka Carbeed.
Kaddib guushii ay Red Devils sabtidii ka gaartay Reading tartanka FA Cup ayay saacado yar kaddiba u duushay Dubai si ay halkaa ugu soo qaataan tababar diiran.
Laakiin Pogba ayaa ka haray oo iminka kaligiis ka soo duulay England si uu ula midoobo saaxiibadiisa.
Xiddiga reer France ayaa waxaa jug ka soo gaartay ciyaartii ay Man United ka adkaatay Newcastle United arbacadii kaddib markii uu haraatiyay Jonjo Shelvey.
Waxaa looga soo tagay xerada tababarka kooxda ee Carrington si loo daweeyo.
Soo laabashada Pogba waa aqbaar faxad galineysa Solskjaer iyo taageerayaasha United maadaama ay diyaar garoow ugu jiraan kulanka xasaasiga ah ay axada ku wajihi doonaan Tottenham.
SAWIRRO:
Gool FM.