Ogoow Waqtiga ay Caawa ciyaareyso Liverpool iyo SHAXDA ay u badan tahay inay ku soo gasho

(England) 07 Jan 2019. Tababare Jurgen Klopp ayaa is badel xoogan ku sameyn doona shaxdiisa kulanka caawa ee wareega saddexaad ee FA Cup ay Liverpool ku wajihi doonto Wolverhampton Wanderers marka ay saacadda tilmaameyso 10:45 Habeenimo.

Reds oo u safreysa Wolverhampton ayaa dooneysa inay dib ugu soo laabato wadada guusha kaddib guul daradii ka soo gaartay Manchester City tartanka Premier League.

Liverpool ayaa laga yaabaa inay caawa nasiso daafaceeda birta ah ee Virgil van Dijk iyadoo booska gadaale ka ciyaarsiin karta xiddiga qadka dhexe ee Fabinho.

Weeraryahannada Mohamed Salah, Sadio Mane iyo Roberto Firmino uma badna in lagu soo bilaabi doono kulanka.

Haddaba EEG SAFKA ay Caawa ku soo gali karto Liverpool:

Liverpool team news predicted line up Wolves

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close