Luis Suarez oo si weyn ugu amaanay Lionel Messi guushii ay ka gaareen kooxda Getafe

(La Liga)  07 Jan 2019. Weeraryahanka kooxda Barcelona Luis Suarez ayaa amaanay xiddiga reer Argentina Lionel Messi kadib guushii ay 2-1 kaga gaareen Getafe, kaasoo ka tirsanaa kulamada 18-aad ee  horyaalka La Liga.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu soo xigtay wareysi uu bixiyay Luis Suarez kadib guushii ay ka gaareen kooxda Getafe wuxuuna yiri:

“Messi waa kan ugu fiican adduunka, wax walba uu sameynayo waa go’aan adag, wuxuu sameynayaa isbedel, waa inaan ku raaxeysanaa”..

“Waan ogeyn awooda kooxda  Getafe, waa koox aad u xoogan, inaad guul ka gaarto kulamadan oo kale, waxay ka dhigan tahay kala barka koobka horyaalka La Liga”.

“Waxaan ogaanay ka hor ciyaartan natiijooyinka kooxaha tartanka nagula jiro, balse waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaan helnay saddexda dhibcood, waxaan heysanaa farqi aad u sareeya”.

“Kooxda waxay ku jirtaa xaalad nafsi ee cajiib ah, waxaan ku kalsoonahay nafteena waxaan ku faraxsanahay guulaha xiriirka ah ee aan gaareyno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close