Liverpool oo Khatar ugu jirta inay ka tagaan Maxamed Saalax iyo Xiddigo kale oo Muhiim ah….!!

(England) 07 Jan 2019. Liverpool ayaa afar dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Premier League kaddib guul daradii ka soo gaartay kooxda Manchester City.

Inkastoo ay Reds heyso hogaanka horyaalka misane waxay khatar ugu jirtaa inay wayso Maxamed Saalax iyo xiddigo kale oo muhiim ah haddii ay Manchester City ka qaado koobka sida ay sheegeyso Taariikhda.

Cabaqabado waa wayn ayaa horey uga soo dhashay markasta ay Liverpool ku hungowdo inay horyaalka qaado oo waxaa ka tagi jiray xiddigo muhiim u ah.

Liverpool Mohamed Salah Man City Premier League

2009-kii Man United ayaa ka qaaday Premier League, waxaa ka tagay Fernando Torres 18-bilood kaddib balse waxaa ka horreeyay inay soo ifbaxeen qiyaas fikradeedka ah inuu tagayo ka hor inta uusan ku biirin Chelsea.

Javier Mascherano ayaa ahaa laacib kale oo wayn oo ka tagay Liverpool isagoo ka faa’iideystay fursada ay u soo bandhigtay Barcelona.

Waxaa ka sii darnaa 2014 markii ay horyaalka ku hungoobeen oo waxaa u aqoonsaday koobka bar barihii 3-3 ay la galeen  Crystal Palace, oo waxaa Premier League ka qaaday Manchester City.

Liverpool Mohamed Salah Man City Premier League

Waxaa ka tagay isla sanadkaan Luis Sarez oo kaga biiray Barcelona, 2015-na waxaa ka tagay Raheem Sterling oo ka aaday kooxdii horyaalka qaaday ee Manchester City.

Haddaba waxaa la odorosayaa in Maxamed Saalax iyo xiddigo kale oo muhiim ah ay ka tagi karaan Reds haddii ay sanadkaan ku guuleysan waayaan Premier League.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close