Florentino Perez  oo fariin u diray jamaahiirta kooxda Real Madrid

(Real Madrid)  07 Jan 2019. Madaxwaynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa ku wehliyay shika jaraa’id ee maanta lagu soo bandhigay saxiixooda cusub ee Brahim Díaz, kaasoo kaga soo dhaqaaqay Manchester City.

21 jirkan ayaa lagu soo bandhigay maanta isaga oo wata maaliyada No 21-aad ee kooxda Real Madrid, waxaana ku wehliyay munaasabadan ka dhacday gudaha garoonka Santiago Bernabeu madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez.

Florentino Perez ayaa dhoowr arimood ka hadlay inta ay xaflada socotay, taasoo ay kasoo qeyb galeen saxaafada gudaha iyo tan caalamiga ah, wuxuuna yiri:

“Waa maalin gaar inoo ah dhamaantayada, waxaan dooneynaa inaan sii xoogeysano berito, ma ahan maalin nasasho ah qof walba ee halkan ku sugan, waxaan rajeyneynaa sida ugu fiican”

“Ma nasan doono maanta iyo beri, waxaanahay koox heysata 13 koob ee tartanka UEFA Champions League, waxaan sidoo kale heysanaa 7 koob ee ah FIFA Club World Cup taariikhdeena, had iyo jeer waxaana ka shaqeneynaa sida aan ugu jiri lahayn heerkaas oo kale”.

Si kastaba Real Madrid ayaa si rasmi ah maanta u soo bandhigtay saxiixeeda cusub Brahim Díaz, saxaafada gudaha iyo tan caalamiga ah gudaha garoonka Santiago Bernabeu, kaasoo kaga soo biiray kooxda reer England ee Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close