“Neymar waxaa heysata dhibaatada la mid ah mida Cristiano Ronaldo oo kale” – Dani Alves

(PSG) 06 Jan 2019. Daniel Alves ayaa difaacay saaxiibkiis Neymar Jr, kadib markii uu la kulmay eedeymo xoogan, sababa la xiriira dabeecadiisa ku aadan gudaha garoonka.

Neymar Jr ayaa lagu eedeeyaa tan iyo koobkii aduunka 2018 inuu isku dayo inuu qiyaameeyo garsooraha, isagoo inta badan isku dhex tuura gudha garoonka isla markaana ku dooda in qalad lagu galay.

Laakiin Dani Alves ayaa u arka in dhaleeceenta iyo weerarka xoogan uu la kulmay Neymar Jr ay sabab u tahay inuu yahay hodan, caan ah, isla markaana qurux badan.

“Hadaladan oo kale ayaa lagu yiri Cristiano Ronaldo siddeed sano kahor, kadib marka uu isku dayay inuu cadeeyo, sababta uu ula kulmayo dhaleeceynada joogtada ah”.

“Ma jirto wado uu Neymar kaga fogaado eedeymahan, Neymar waa bini’aadam ee ma ahan sida mashiinka oo kale, aniga ahaan, isagu waa sida wiilkayga oo kale, waan ka war qabaa xaalad walba uu marayo, waa ciyaaryahan aad u caqli badan”.

“Maxaa keenay sababta uu u yeeshay dad badan oo xaasidiin ah, waa nin   milyaneer ah isla markaana caan ah ee qurux badan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close