“Ma fileyn inay waxaan oo dhan maanta dhacaan, Waxba kama dhihi karo waayo…”.- Fabregas oo si Gocasho leh u hadlay

(London) 06 Jan 2019. Cesc Fabregas oo kabtan xiran ayaa xalay kulankiisii ugu dambeeyay hogaamiyay Chelsea ciyaartii ay 2-0 uga adkaadeen Nottingham Forest, inkastuu Rigoore khasaariyay.

Laacibka ayaa lagu badelay Kante dhammaadka ciyaarta, taageerayaasha ayaana u istaagay oo u sacbo tumay iyadoona la arkayay kubbad qaabeeyaha reer Spain oo ilmeenaya.

Ciyaarta kaddib mar la waydiiyay inuu tagayo ayuu ku jawaabay “Qofkasta wuu ogyahay xaalada”.

Mar uu u waramayay BBC-da ayuu laacibka u hadlay si gucasho leh wuxuuna yiri:

“Ma filaneyna inay maanta dhici doonto waxaan oo dhan.

“Waxba ma dhihi karo anoo xushmad u muujinaya Chelsea, laakiin qofkasta wuu ogyahay xaalada.”.

Fabregas ayaa maanta lagu wadaa inuu dhammeystiro heshiiska uu ugu biirayo kooxda Monaco ee dalka Faransiiska si uu dib ula midoobo saaxiibkii hore ee Thierry Henry oo halkaa Tababare ka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close