Chelsea oo dalab qaali ah ku dooneysa Cavani, si ay kaga dhigato badalka Álvaro Morata

(Chelsea) 06 Jan 2019. Wargeyska “Daily Mail” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in kooxda Chelsea ay bar-tilmaameedsaneyso saxiixa gooldhliyaha taariikhiga ah ee kooxda Paris Saint – Germain Edinson Cavani.

Inkastoo uu shalay ka dhaliyay 2 gool kulankii FA Cu-ka hadana Maurizio Sarri ayaan ku qanacsaneen qaab ciyaareedka Álvaro Morata, wuxuuna rajeenayaa inuu iska fasaxo si uu u keensado badalkiisa isaga ka wanaagsan.

Edinson Cavani ayaa dhaliyay 183 gool 262 kulan oo uu u saftay kooxda PSG tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Napoli sanadii 2013, laakiin hada kahor ma uusan lasoo shaqeynin Maurizio Sarri

Wargeysyada England ayaa waxay soo warinayaan in Chelsea ay jeclaan laheyd inay 50 milyan oo ginni miisk u saarto PSG, xili 31 jirkan heshiiskiisa uu ka harsan yahay laba sano oo kaliya.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close