Valverde oo ka hadlay kulanka Getafe, isagoo dhinaca kale iska indho tiray arimah ku aadan heshiiskiisa kooxda Barcelona

(Barcelona)  05 Jan 2019. Macalinka kooxda Barcelona Ernesto Valverde ayaa kasoo muuqday shir jaraa’id, kahory kulankooda 18-aad ay Getafe habeen dambe kula ciyari doonaan horyaalka La Liga ee xili ciyaareedkan.

Ugu horeyn Ernesto Valverde ayaa wuxuu ka hadlay kulanka xiisaha badan ay la ciyaari doonaan kooxda Getafe wuxuuna yiri:

“Waxaa kaga dhashay garoonkooda kaliya 4 gool xili ciyaareedkan, waa koox si fiican kaga bilaaban karta xili sanadkan”

“Getafe in badan ayaan ku hor dhibtoonay xili ciyaareedkii hore si aan ugu guuleysano, waa koox u dagaalameysa sida ay kaga mid noqon lahayd tartamada yurub”.

Intaas kadib Ernesto Valverde ayaa wax laga weydiiyay arimo ku aadan heshiiskiisa madaama uu dhacayo dhamaadka xili ciyaareedka wuxuuna yiri:

“Waxaan qandaraas kula jiraa Barcelona, waxaa xaqiiqo ah in heshiiskeyga uu ahaa 2 sano iyo inaan ku darsan karo sanad kale ee dheeri ah”.

“Dhamaadka xilli ciyaareedka waa inaan go’aan ka gaarnaa, xitaa anaga haatan ma aanan gaarin xitaa kala barka xili ciyaareedka, laakiin mar walba xiriirka waa mid aad u wanaagsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close