SAWIRRO: Xiddiga Chelsea Ruben Loftus-Cheek oo Garoonka ka baxay isagoo OOYNAYA kaddib…

(London) 05 Jan 2019. Chelsea ayaa u soo gudubtay wareega 4-aad ee FA Cup kaddib markii ay 2-0 uga adkatay kooxda Nottingham Forest.

Weeraryahanka reer England Ruben Loftus-Cheek ayaa oohin jabsaday mar uu garoonka ka sii baxayay kaddib markii uu gaaray dhaawac dhabarka ah.

Tababare Sarri ayaa ku soo bilaabay Loftus-Cheek balse nasiib darro waa uu dhammeysan waayay xitaa qeybta hore oo dhaawac ayaa garoonka looga saaray.

Xiddiga oo xilli ciyaareedkanba la dhibtoonayay dhibaato dhabarka ah ayaa isku dayay inuu ciyaarta sii wato balse kari waayay.

Eden Hazard oo la doonayay in la nasiyo 90-ka daqiiqo ee ciyaartan ayaa la soo galiyay si loogu badelo Ruben Loftus-Cheek.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close