N’Golo Kanté oo ka hadlay fikirkiisa kaga aadan saxiixa cusub ee kooxda Chelsea Christian Pulisic

(Chelsea) 05 Jan 2019. Xidiga khadka dhexe kooxda Chelsea N’Golo Kanté ayaa wuxuu ka hadlay waxa ay ka aaminsan yihiin isaga iyo saaxiibadiis saxiixa cusub ee Blues Christian Pulisic.

Borussia Dortmund ayaa xaqiijisay Arbacadii lasoo dhaafay xaqiijisay in ay kooxda Chelsea kala heshiisay saxiixa Christian Pulisic aduun dhan  £ 58 million.

Balse Christian Pulisic ayaa ilaa iyo dhamaadka xili ciyaareedkan si amaah ah ugu sii ciyaari doono kooxda reer Germany.

Madaalaha reer France ee N’Golo Kanté ayaa wareysi uu ku bixinayay wrgeyska Daily Mail ee dalka England waxaa wax laga weydiiyay saxiixa cusub ee kooxda Chelsea.

“Waan ognahay inuu yahay ciyaaryahan wanaagsan, wuxuu ka qabtay shaqo fiican kooxda Borussia Dortmund, waan ku faraxsanahay in ay Chelsea lasoo saxiixato”.

Christian Pulisic ayaa dhankiisa kusoo qoray baraha bulshada “2019 waxaan u wareegay Chelsea iyo tartan cusub, ee horyaalka Premier League”.

“Waxay ii tahay sharaf inaan heshiis u saxiixo koox sidaan oo kale ah, waxaan si aad ah u doonayaa waayo aragnimadan cusub”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close