Manchester United oo u Gudubtay wareega Afaraad ee FA Cup Kaddib markii…+SAWIRRO

( FA Cup ) 05 Jan 2019. Manchester United ayaa gaartay guul sahlan markii ay 2-0 ku dhaafeen Reading wareega afaraad ee koobka FA Cup.

Goolasha ay ku badisay Red Devils ayaa dhashay qeybta hore cayaarta.

Waxaana hogaanka dheesha u dhiibay Juan Mata oo qadlad isaga lagu galay gool u badalayay kaddib rigoore loo dhigay oo lagu xaqiijiyay aalada VAR.

Intaan kala marin nasiina kulanka United ayaa goolka labaad la timid waxaana shabaqa u gaaray Romelo Lukaku kaddib baas uu ka helay Alex Sanchez.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Manchester United ayaa dhan kasta uga fiicneed maamulka dheesha kooxda marti u aheyd.

Waa guushii shanaad oo xariira uu United ku hogaamiyay Ole Gunnar Solskjaer kasoo lagu badalay Macalin xilka tababare laga ceershay ee Jose Mourinho.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close