DEG DEG: Koscielny oo Daqiiqadii ugu dambeysay laga reebay Ciyaarta iminka ee Arsenal kaddib…..

(London) 05 Jan 2019. Ciyaarta iminka ay Arsenal la yeelaneyso Blackpool wareega saddexaad ee FA Cup ayaa daqiiqadii ugu dambeysay laga reebay kabtankooda Laurent Koscielny kaddib markii uu soo gaaray dhaawac hor leh.

Daafaca reer France ayaa dhaawac ka soo gacay bishii la soo dhaafay kaddib markii uu garoomada ka maqnaa tan iyo bishii May.

Yeelkeede, 33-jirka oo lagu soo bilaabi rabay ciyaarta iminka ayaa daqiiqadii ugu dambeysay laga reebay kaddib markii uu ku dhaawacmay iskululeynta ka horreysa kulanka.

Carl Jenkinson ayaa lagu badelay booskiisa kaa oo ciyaaraya kalankiisii ugu horreeyay ee FA Cup shan sano kaddib.

Lama garanayo waxa uu yahay dhaawaca Cusub balse waxaa la aamisan yahay inay tahay dhibaato dhabarka ah.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close