Sheeko QOSOL LEH oo ka dhacday ciyaartii ay Xalay Man City afka ciida u dartay Liverpool…(BAL EEG)

(Manchester) 04 Jan 2019. Manchester City ayaa xalay guul daradii ugu horreysay Premier League xilli ciyaareedkan dusha u saarisay Liverpool iyagoona dhibco ahaan ku soo dhawaaday.

Aguero iyo Sane ayaa dhaliyay labada gool ee kooxda Pep Guardiola halka uu Firmino dhaliyay goolka madiga ah ay la timid Reds.

Yeelkeede, markii ay ciyaartu dhammaatay ayaa waxaa dhacay sheeko Qosol leh oo waxaa garoonka orod ku soo galay daafaca Manchester City Benjamin Mendy si uu ula dabaal dego saaxiibadiisa.

Laakiin ilaalada garoonka ayaa ka soo daba orday oo doonayay inay qabtaan maadaama ay moodayeen taageero garoonka ku soo cararay ‘pitch invader’.

Yeelkeede, Ilaalada ayaa dib uga dagay kaddib markii ay ogaadeen shaqsiga uu yahay.

Daafaca reer France ayaa garoonka u soo galay inuu la dabaal dego asxaabtiisa isla markaana uu muujiyo Jaceylka uu u qabo Sergio Aguero.

 

View this post on Instagram

 

Love you more than your wife bro @10aguerosergiokun 😍😍😍😍😍😍😍😍

A post shared by Benjamin Mendy (@benmendy23) on

“Waan ku jeclahay walaalkey in kabadan inta ay ku Jeceshahay xaaskaaga”. Mendy ayaa sidaa soo raaciyay Sawir uu dhunkanayo dhaliyaha reer Argentina.

EEG SAWIRKA ilaalada oo Mendy mooday taageere soo galay Garoonka:

 Benjamin Mendy ran on to the pitch in an orange bomber jacket and torn white jeans before being chased by a steward thinking he was a pitch invading fan

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close