RASMI: AC Milan oo ku dhawaaqday inay sameysay saxiixeeda ugu horeeyay ee suuqa January

(Milan) 04 Jan 2019. Kooxda AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay kalasoo saxiixatay kooxda reer Brazil ee Flamengo lacibkeeda 21 jirka ah ee Lucas Paqueta.

Lucas Paqueta ayaa si wanaagsan kaga ciyaari kara khadka dhexe ee qeybta weerarka, wuxuuna u saxiixay kooxda Milan heshiis 5 sano ah kaasoo dhacaya 30 June 2023.

Milan ayaa website-keeda rasmiga ah ku sheegtay in Lucas Paqueta uu soo gaari doono tababarka kooxda reer Talyaani 7-da bishan Janaayo, si loogu sawiro maaliyada kooxdiisa cusub ee Rossoneri.

Isla maalinkaas ayuu qorshahu yahay in loo soo bandhigo jamaahiirta kooxda Milan, isagoo qaadan doono tabababarkiisa ugu horeeyay ee kooxda.

Warar badan ee kasoo baxaya gudaha dalka Talyaaniga ayaa waxay sheegayaan in AC Milan ay ku bixisay saxiixa Lucas Paqueta ku dhawaad aduun dhan 35 milyan oo euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close