Louis van Gaal oo ka warbixiyay saxiixa kaliya ay sida aadka ah ugu baahan tahay kooxda Barcelona xiligan

(Barcelona) 04 Jan 2019. Macalinkii hore kooxda Barcelona Louis van Gaal ayaa ka hadlay saxiixa kaliya ay si aadka ah ugu baahan tahay Blaugrana xiligan la joogo.

Louis van Gaal ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Mundo Deportivo” wuxuu ku sheegay:

“Kooxda Barcelona waxay kaliya u baahan tahay difaaca kooxda Ajax ee Matthijs de Ligt, in ka badan saaxiibkiis Frenkie de Jong”.

“Balse taasi waxay ku xiran tahay macalinka kooxda Barcelona Ernesto Valverde, iyo aragtida ay ka qabto Blaugrana iyo aragtidiisa sannadkii la soo dhaafay”.

Macalinkii hore kooxda Barcelona Louis van Gaal ayaa sheegay in Blaugrana ay soo saartay Academyada La Masia xidigo badan, balse uusan kasoo muuqan difaac u wanaagsan sida Matthijs de Ligt oo kale.

Van Gaal ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xiray: “Labada ciyaaryahan ee kooxda Ajax waa kuwo aad u wanaagsan de Ligt iyo de Jong, waxay wali heystaan fursad ay ku sameyn karaan hormar, waxayna awoodaan inay u ciyaaraan kooxda reer Catalonia, sababtoo ah kooxda reer Holand waxay u ciyaartaa sida Barcelona oo kale”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close