“Atletico Madrid kama cabsaneyso Cristiano Ronaldo” – Madaxweynaha Atletico Madrid oo u digay Juventus

(Atletico) 03 Jan 2019. Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo ayaa xaqiijiyay inuusan wax cabsi ah ka qabin Cristiano Ronaldo ka hor kulanka ay kooxda Juventus kula ciyaari doonaan tartanka xiisaha badan ee Champions League.

Kooxda Atletico Madrid ayaa kula ciyaari doonta dhigeeda Juventus bisha Febraayo, wareega 16-ka Champions League.

Enrique Cerezo ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay kulanka Champions League wuxuuna yiri:

“Waxaan isku dayi doono in Juventus aan ka cirib tirno tartankan, in kastoo ay ka mid tahay kooxaha ugu xoogan Yurub, balse si aad ah ayaan u ixtiraameynaa”.

“Qof walba wuxuu doonayaa inuu u gudbo wareega quarter-final-ka, wuxuu sidoo kale gaari karaa kulanka finalka, balse waxaan dooneynaa nasiibkaas in aan yeelano”.

“Waxaan lasoo kulanay Cristiano Ronaldo dhowr jeer, aad ayaan u ixtiraameynaa, lakiin isaga kama baqeyno, lakiin xaqiiqda ayaa ah waa ciyaaryahan weyn”.

“Ronaldo wuxuu ku bixiyay qaab ciyaareed isku mid ah Real Madrid iyo Manchester, runtii waa hogaamiye dhab ah”.

Si kastaba Cristiano Ronaldo ayaa kahor yimid kooxda Atletico Madrid dhowr kulan, wuxuuna ka dhaliyay goolal badan markii uu joogay Real Madrid”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close