Solari oo ka hadlay go’aankiisa kaga aadan iibinta Keylor Navas, isagoo dhinaca kale amaanay Isco

(Real Madrid) 02 Jan 2019. Macalinka kooxda Real Madrid Santiago Solari ayaa ka hadlay wararka sheegaya in Keylor Navas uu ka tagayo garoonka Santiago Bernabéu, suuqa kala iibsiga ee bishan Janaayo.

Santiago Solari oo kasoo hor muuqday shir jaraa’id ayaa sheegay in Keylor Navas uusan ka dhaqaaqi doono kooxda Real Madrid bishan Janaayo.

Dhinaca kale macalinka reer Argantina ayaa amaanay qaab ciyaareedka Isco, kahor kulankooda baaqiga ahaa ee horyaalka La Liga ay habeen dambe khamiista kula ciyaari doonaan kooxda Villarreal.

Ugu horeyn Solari ayaa wax laga weydiiyay wararka ku aadan in Keylor Navas uu ka tagayo kooxda Real Madrid wuxuuna yiri:

“Keylor Navas kama bixi doono kooxda Real Madrid, halka Isco uu yahay ciyaaryahan weyn, wuxuu na siiyay farxad badan, waxaana dooneynaa in markale uu sidaas inoo sameeyo”.

“Dhamaanteen waa in midba midka kale uu caawiyaa, waa in dhamaan ciyartoyda kala ah Marco Asensio, Marcos Llorente iyo Javier Sánchez ay kasoo kabtaan dhaawacyada ay qabaan”.

“Hadii ay soo laabtaan ciyaartoyda dhaawacyada nooga maqan, waa hubaal inay na caawin doonaan, sababtoo ah dhamaanteen waxaanahay muhiim”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close