Pogba oo RIKOODH cajiib ah kasoo barbareyn kara Cristiano Ronaldo kulanka caawa ee Newcastle United

(Manchester) 02 Jan 2019. Manchester United ayaa caawa oo arbaco ah booqan doonta garoonka kooxda Newcastle United ee St James’ Park, si ay u wada ciyaaraan kulankooda 21-aad ee horyaalka Premier League.

Kooxda Red Devils ayaa caawa dooneysa inay gaarto guusheeda 4-aad ee xiriir ah, tan iyo markii uu shaqada tababarka si ku meel gaar ah ula wareegay Ole Gunnar Solskjær.

Hadaba Paul Pogba ayaa caawa noqon kara laacibka labaad ee dhaliya min 2 gool kulankiiba, in ka badan 3 kulan ee xiriir ah kooxda Manchester United kulamada horyaalka Premier League, tan iyo Cristiano Ronaldo oo sidaas sameeyay bishii December ee 2006-dii.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay min 2 gool saddex kulan ee xiriir ah horyaalka Premier League inta uu ku sugnaa kooxda Manchester United, wuxuuna sidaas sameeyay kulamada kala ah Aston Villa (3-0), Wigan Athletic (3-1) iyo Reading (3-2) xilli ciyaareedkii 2006-2007.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close