Mesut Ozil oo ka hadlay sababta uu kaga maqnaa kulankii xalay ee Fulham

(Arsenal) 02 Jan 2019. Mesut Ozil ayaa soo saaray war rasmi ah uu ku sharaxayay sababtii uu kaga maqnaa kooxdiisa Arsenal kulankii xalay ay Fulham ku wada ciyaareen horyaalka Premier League.

Laacibkan khadka dhexe ayaa xaqiijiyay in wali uu la xanuunsanayo dhawaca  uu ka qabo dhanka jilibka, taasoo ku qasabtay inuu seego kulankii xalay ay Fulham kag badiyeen 4-1.

Sidoo kale Özil ayaa seegay kulankii ay sabtidii lasoo dhaafay kula ciyaareen kooxda Liverpool garoonka Anfield sababa la xiriira isla dhaawaca uu ka qabo dhanka jilibka, xili sidoo kale uu arintan xaqiijiyay tababare Unai Emery.

Mesut Özil oo ka hadlayay sababta uu kaga maqnaa kulankii Fulham ayaa ugu horeyn sheegay:

“Bilaw wanaagsan ee 2019 anaga ahaan waan ku faraxsanahay, hambalyo, laakiin way igu adkeyd inaan cag soo dhigo gudha garoonka sababa la xiriira dhaawaca aan qabo”.

“Xaqiiqdii waxaan doonayaa inaan kooxda u caawiyo sida ugu dhaqsaha badan, waxaan idin rajeenayaa dhamaantiin farxad iyo caafimaad 2019”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close