“Lionel Messi oo kaliya ayaa joojin kara kooxdan”

(Yurub) 02 Jan 2019. Laacibkii hore xulka qaranka Talyaaniga iyo kooxd Real Madrid Fabio Cannavaro ayaa sheegay in kooxda Napoli aysan awoodin joojinta kooxda Juventus iyadoo aanan safkeeda ku heysan Lionel Messi.

Fabio Cannavaro ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “CalcioMercato” ee dalka Talyaaniga wuxuu kaga hadlay loolanka horyaalka Serie A.

“Waxaan u maleynayaa in kooxaha Napoli iyo Inter Milan ay kula dagaalamayaan Juventus koobka horyaalka”.

“Xagaagii lasoo dhaafay, Juventus waxay fahansaneyd xaaladda, waxay ogayd inay u baahan yihiin horumar iyo awood cusub, waxayna go’aansadeen inay iibsadaan Cristiano Ronaldo”.

“Kaliya Lionel Messi ayaa ka caawin kara Napoli inay joojiso kooxda Juventus, Carlo Ancelotti iyo kooxdiisa waa inay isku dayaan inay ku guuleystaan horyaalka Yurub”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close