ARAG: Sida ay u muuqan doonto SHAXDA Chelsea kaddib markii uu ku soo biiray Christian Pulisic (Hazard haddii uu joogo iyo haddii kalaba)

(London) 02 Jan 2019. Chelsea ayaa maanta ku dhawaaqday in adduun dhan 58 milyan oo bound ay ku soo iibsadeen xiddiga garabka kaga duula Dortmund ee Christian Pulisic.

Yeelkeede, laacibka reer USA ayaa amaah ku sii joogi doona kooxda reer Germany ilaa dhammaadka kal ciyaareedkan.

Taageerayaasha Blues ayay ka dhaa-dhacsan tahay in imaanshiyaha Christian Pulisic ay ka dhigan tahay in xagaaga soo socda uu kooxda ka tagi doono Eden Hazard.

Kabtanka xulka Belgium si aan gambasho lahayn ayuu marar badan u sheegay inuu ku riyoonayo sidii uu mar uun ugu ciyaari lahaa camaaliqada Spain.

Haddaba waxaa la sameeyay sida ay u muuqan doonto SHAXDA Chelsea xagaaga soo socda haddii uu joogo Hazard iyo haddii kalaba, waxaa sidoo kale la mala awaalay suurogalnimada in kooxda reer London ay xagaaga dambe kula soo wareegi karto dhaliyaha Inter Milan Mauro Icardi.

EEG:

Image result for ON THE PUL How Chelsea could line up next season with or without Hazard after Pulisic signing

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close