Xiddigaha ugu Goolasha badan sanadkii tagay ee 2018 oo la soo saaray….(Xarfaan aan la garaneyn oo garaacay Messi iyo Ronaldo)

(World) 01 Jan 2019. Waxaa la soo saaray liiska xiddigaha dhaliyay goolasha ugu badan sanadkii tagay ee 2018, laacib aan la garaneyn ayaa koow ku soo baxay oo garaacay xiddigaha ugu caansan kubbada cagta casrigan ee Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo.

Kabtanka Argentina ayaa sanadka ku dhammeystay isagoo 2-gool dheer kabtanka Portugal laakiin isna waxaa ka yaabsaday oo 8-gool dheer xiddiga reer Algeria ee Baghdad Bounedjah.

Baghdad oo 27-jir ah wuxuu u ciyaaraa naadiga Al Sadd, ee hogaamineysa horyaalka dalka Qatar oo waxay isku koox yihiin xiddigaha waa wayn ee caanka ka ahaa La Liga ee Xavi iyo Gabi oo Kabtano u kala xirnaa Barcelona iyo Atletico Madrid.

Wiilka reer Algeria ayaa 40-kulan oo qura ku dhaliyay 59-gool.

Haddaba EEG LIISKA xiddigihii ugu goolasha badnaa sanadkii tagay ee 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close