Mid ka mid ah halyeeyada kooxda Liverpool oo ka jawaab celiyay hadal uu dhawaan sheegay Guardiola

(Liverpool) 01 Jan 2019. Halyayga kooxda Liverpool John Aldridge ayaa ka jawaabay hadal uu dhawaan sheegay macalinka kooxda Manchester City Pep Guardiola, kahor kulankooda 21-aad ee horyaalka Premier League ay ku wada ciyaari doonaan habeenka Khamiista soo aadan.

Macalinka reer Spain ee kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa horey u xaqiijiyay in hadii kulanka soo aadan ay guuleysato Liverpool ay soo idlaan doonto loolanka horyaalka Premier League, sababa la xiriira farqig u dhexeeya labad kooxood, sida uu sharaxay.

Hadaba halyayga kooxda Liverpool John Aldridge oo u jawaab celinayay Pep Guardiola ayaa wuxuu yiri:

“Waxaan dhihi karnaa in Liverpool ay sii dheereysan doonto hogaanka hadii ay ka adkaadaan Manchester City, laakiin waxaan wali dareemayaa is-beddelo badan”.

“Ma jirto mid kastoo naga mid ah ee arkay tilmaamaha ka yimid kooxda Manchester City, taasi macnaheedu yahay in Liverpool ay ku guuleysan doonto koobka hadii ay badiso kulanka khamiista, waa xaalad aad u adag ee aan la fileyn”.

“Hadii uu kulanka ku dhamaado barbro, waxay xaqiijineysaa in kooxda ay wali heysato boodh xoog badan ee meesha ugu sareysa gaarsiisan, halka guusha ay cadaadiska kusii kordhin doonto kooxda Man City oo si xoogan u dagaalantay la’aanta  Fernandinho iyo David Silva todobaadyadii la soo dhaafay”.

“Shaki kuma jiro in Liverpool ay haatan ku jirto xaalad fiican, laakiin tani wali waa qeyb ka mid ah xilli ciyaareedkan oo kaliya, sababtoo ah wadada wali waa ay fogtahay, Waxaa jira waxyaabo badan ee la doonayo in la aruuriyo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close