Massimiliano Allegri oo hal arin kaliya ka doonaya Cristiano Ronaldo

(Juventus) 01 Jan 2019. Macalinka kooxda Juventus Massimiliano Allegri oo ka hadlay dhowr arimood muhiim ah, balse wuxuu inta badan wareysigan uu bixiyay kaga hadlay Cristiano Ronaldo.

Ciyaaryahankii hore ee kooxd Real Madrid ayaa ku sugan safka Juventus tan iyo bilawga xili ciyaareedkan, wuxuu ka caawiyay Bianconeri ah in ay u gudubto wareega 16-ka ee tartanka Champions League.

Laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo aya sidoo kale ilaa iyo hatan hogaminaya gooldhalinta horyaalka Serie A-da, kadib markii uu soo dhaliyay 14 gool.

“Ronaldo kama duwana waxa aan ku fikirayay, waan ogaa inuu yahay ciyaaryahan weyn, wuxuu leeyahay xirfad heer sare ah, wuxuu doonayaa inuu noqdo maalin kasta kan ugu fiican, tani waa qiima muhiim ah ee na caawin doonta dhammaanteen”.

“Layaab iguma noqoneyso waxa uu sameenayo Cristiano Ronaldo, balse waxaan jeclaan lahaa inaan dhaho waa cajiib inuu arko ciyaartiisa sababtoo ah waa qaas, waxa ugu muhiimsan ayaa ah inuu mar walba diirada saaro, hadii ay ahaan lahayd kulan ama tababarka kooxda”.

“Waxa kaliya aan ka doonayo isaga ayaa ah hal arin, taasoo ah gooldhalin, waana waxa uu ka war qabo Cristiano Ronaldo inuu tusaale ugu noqday dadka oo dhan”.

“Ku guuleysiga horyaalka waa ujeeddo dabiici ah, balse Ronaldo waa inuu nasiib ku yeeshaa tartanka Champions League, Ronaldo waa farxada kooxda Juventus iyo kubada cagta Talyaaniga.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close