Kulamadii Chelsea vs Tottenham iyo Man City vs Burton oo dib loo dhigay….(Maxaa dhacay?)

(England) 01 Jan 2019. Waxaa dib loo dhigay kulamada lugta labaad ee Semi-Final ka Carabao Cup oo u dhexeeyay kooxaha Chelsea vs Tottenham iyo Man City vs Burton.

EFL ayaa shaaciyay in afarta kooxood ee isugu soo haray afar dhamamadka tartanka aysan ogaan doonin goorta ay ciyaari doonaan lugta labaad ilaa laga sameeyo isku aadka wareega afaraad ee FA Cup 7-da bishan Janayo maadaama la diidan yahay isku dhac dhanka jadwalka ah.

Spurs ayaa marti galineysa Chelsea halka City ay soo dhaweyneyso Burton lugta hore ee Carabao Cup ee la kala ciyaari doono Talaado 8-da Janaayo iyo Arboco 9-ka Janaayo sida la xaqiijiyay Usbuucan.

Laakiin kooxaha weli ma oga goorta ay ciyaarayaan lugta labaad ee ka kala dhici doonta Stamford Bridge iyo the Pirelli Stadium sababo la xiriira jadwalka cakiran ee kulamada soo socda.

Si loo ilaaliyo isku dhac jadwaleed kooxaha ayaa ogaan doona goorta ay ciyaarayaan lugta labaad kaddib markii a sameeyo isku aadka wareega afaraad ee FA Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close