Kooxda Arsenal oo guul raaxe leh ka gaartay Fulham xili Aubameyang uu shabaqa gaaray + SAWIRO

(Premier League) 01 Jan 2019. Kooxda Arsenal ayaa guul raaxe leh gaartay kulankooda 21-aad ee horyaalka Premier League, kadib markii ay ku xasuuqday dhigeeda Fulham 4-1.

Qeybt hore ee ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-0 ay ku hogaamineysay kooxda Arsenal.

Gunners ayaa hogaanka u qabatay ciyaarta daqiiqadii 25-aad waxaana goolka u dhaliyay laacibka khadka dhexe ee Granit Xhaka oo caawinta goolkan ka helay Alex Iwobi.

Qeybta labaad ee dheesha marka ay labada kooxood Arsenal iyo Fulham dib isugu soo laabteen ayay labada kooxood sameeyeen qaab ciyaareed aad u fiican, waxay sameeyeen fursado badan ay goolal ku dhalin gaareen.

Laakiin 55 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Alexandre Lacazette ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana goolkan ka caawiyay Sead Kolasinac.

Kooxda martida ahayd ee Fulham ayaa la tamid gool daqiiqadii 69-aad, waxaana u dhaliyay laacibkooda Aboubakar Kamara, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 2-1.

Laakiin Gunners ayaa ciyaarta ka dhigtay 3-1 daqiiqadii 79-aad, waxaana u dhaliyay Aaron Ramsey.

Markale Arsenal ayaa dhalisay goolka 4-aad daqiiqadii 83-aad waxaana markan u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang oo caawin ka helay Sokratis.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 4-1 ay guul raaxe leh ku gaartay kooxda Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close