Gary Lineker oo ku soo xiray sanadka 2018 amaanta kabtanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi

(Yurub) 01 Jan 2019. Halyayga xulka qaranka England iyo kooxda Barcelona ee Gary Lineker ayaa ku soo qoray baraha bulshada gaar ahaan boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka, qoraal uu ku xaqiijinayay, sida xoogan uu ula yaabay in leyska indho tiray guulaha uu Lionel Messi la gaaray kooxdiis Barcelona sanadkii tagay ee 2018.

Gary Lineker oo haatan ka howl gala shabakada caanka ah ee “Sky Sports” ayaa tilmaamay in ay layaab ku noqotay in kabtanka kooxda Barcelona uu booska shanaad ka galay liiska musharaxiinta abaal marinta Ballon d’Or 2018, marka loo fiirayo rikoorada cajiibka ah uu u dhigay 5-ta horyaal ugu waaweyn Yurub 2018.

Luka Modric ayaa ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or 2018, kadib markii uu la qaaday kooxdiisa Real Madrid koobka Champions League, xili sidoo kale uu ku hogaamiyay xulkiisa Croatia inuu gaaro fiinalka koobkii aduunka 2018 ee ka dhacay dalka Russia.

Xidigaha Cristiano Ronaldo iyo Antoine Griezmann ayaa sida ay u kala horeeyaan waxay u kala galeen labaad iyo saddexaad, halka Kylian Mbappé uu ceriirsaday booska 5-aad.

Hadaba halyayga xulka qaranka England iyo kooxda Barcelona ee Gary Lineker ayaa wuxuu boggiis rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qoray:

“Messi ayaa ahaa gooldhaliyaha ugu sareeya shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub ee 2018 isagoo dhaliyay 47 gool, Messi ayaa sidoo kale ahaa xidiga ugu caawinta badan shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub 2018, wuxuuna caawiyay 26 gool”.

“Lionel Messi ayaa sidoo kale ahaa xidigii ugu dhaliska badnaa goolasha laadka xurta ah ee sanadkii 2018, waana in kabadan shaqsi kasta ee taariikhda shanta horyaal ugu waa weyn Yurub, laakiin wuxuu booska 5-aad ka galay liiska tartamayaasha abaal marinta Ballon d’Or 2018”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close