Sadio Mane oo Baxar fakaday

(England) 31 Dis 2018. Sadio Mane ayaa la sheegayaa inuu ka bad-baaday ganaax uu kala kulmi lahaa xiriirka FA dalka Ingiriiska kaddib falkii uu ku sameeyay daafaca Arsenal ee Stephan Lichtsteiner.

Weeraryahanka Liverpool ayaa u muuqday inuu cunaha ka qabtay Lichtsteiner ciyaartii ay Reds ku bahdisay Gunners oo ay 5-1 uga adkaatay.

SunSport ayaa fahansan in garsoore Michael Oliver uu arkayay ficilka isla markii uu dhacayay isagoona dhigay free-kick taa oo la micno ah in Mane aan laga qaadi doonin talaabo dheeri ah.

Waxaa xitaa kulanka Liverpool iyo Arsenal ka dhacay isqab-qabsi kanaalka garoonka looga duso ku dhex maray daafaca Gunners Sokratis iyo Maxamed Saalax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close