Paul Pogba oo ku DIGTAY Jose Mourinho kaddib labadii gool uu Xalay dhaliyay

(Manchester) 31 Dis 2018. Pogba ayaa u muuqda mid dib u soo dhashay tan iyo sidii loo ceyriyay Jose Mourinho oo saddex kulan oo qura ayuu ku dhaliyay afar gool isagoona caawiyay 3-kale.

Xiddiga reer France oo labo dhaliyay midna caawiyay  ciyaartii xalay ay 4-1 uga adkaadeen Bournemouth, ayaa sheegay in macalinka Cusub ee kooxda uu doonayo weerar joogta ah, sidoo kale ay ciyaartoyda kooxda iyaguna u riyaaqsan yihiin weerarka wuxuuna warkaa ku durayaa Mourinho oo Ciyaari jiray daafac joogto ah.

Mar uu ka hadlayay farqiga u dhexeeya Jose iyo macalinka iminka ee Solskjaer ayuu Pogba yiri:

“Way kala duwan yihiin.

“Weli kulamo ayaan guulo la gaarnay macalinkii hore waa uun kala duwanaansho habka ciyaarta.

“Waxaa dooneynaa inaan weerartano. Macalinka wuxuu doonayaa inuu weerartamo. Taasi waa waxa aan sameynayno.”.

Tan iyo sidii loo ceyriyay Mourinho Man United ayaa gaartay saddex guul oo xiriir ah iyagoona dhaliyay 12-gool taa oo ay kooxdu ugu dambeysay berigii Sir Alex Ferguson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close