“Liverpool waa kooxda ugu xoogan Yurub” – Guardiola oo hadalkan sheegay kahor kulanka Khamiista

(Premier League) 31 Dis 2018. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa qiray in Liverpool hogaaminteeda qeybta hore ee xili ciyareedkan ay tahay kooxda ugu xoogan yurub, isla markaana guuleysan karta kulanka soo aadan ay labada kooxood horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa ilaa iyo haatan ku hogaamineysa horyaalka Premier League 54 dhibcood, waxayna 7 dhibcood ka sareeyaan Manchester City oo labaad ku jirta.

Sidoo kale Reds ayaa ilaa iyo haatan aanan la kulmin wax guuldaro ah, waxay badiyeen 17 kulan, iyo 3 barbaro ah, 20 kulan ay kasoo ciyaareen horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Wargeyska “AS” ee dalka pain ayaa daabacay wareysi uu bixiyay Pep Guardiola kahor kulanka 21-aad horyaalka Premier League ay wajahayaan kooxda Liverpool wuxuuna yiri:

“Haatan waan fiicanahay, laakiin laga yaabee in Liverpool ay tahay kooxda ugu xoogan Yurub”.

“Waxa uu tababaraha doonayo ayaa ah  inuu arko falcelinta ay kooxdiisa sameeneyso, sidaas ayay sameeyeen ciyaartoyda”.

“Inaan ka guuleysano kooxda Liverpool waa wax inooga muhiimsan 3-da dhibcood, sababtoo ah waxay hogaaminayaan horyaalka”.

“Waxy qaadanayaan waqti aan la rumeysan Karin, balse anagana waxaan dooneynaan inaan guuleysano kulamada aan ciyaareyno”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close