“Hazard waa inuu raacaa qalbigiisa” – Macalinka xulka qaranka Belgium oo talo muhiim ah siiyay xidiga kooxda Chelsea

(Yurub) 31 Dis 2018. Macalinka xulka qaranka Belgium ee Roberto Martínez ayaa kula taliyay laacibka kooxda Chelsea Eden Hazard, inuu raaco qalbigiisa isla markaana uu u dhaqaaqo Real Madrid.

Eden Hazard ayaa markale dib u soo celiyay xiisahiisa kaga aadan inuu ku biiro kooxda reer Spain ee Real Madrid suuqa xagaaga ee soo aadan, taasoo ka dhigan hal sano kahor dhamaadka heshiiskiisa kooxda Chelsea.

Hadaba Roberto Martínez oo la talinyay Eden Hazard ayaa yiri:

“Waxaan kula talinayaa Eden Hazard inuu raaco qalbigiisa, isla markaana uu u dhaqaaqo meesha ay farxadiisa ku jirto”.

“Waa ciyaaryahan weyn ee awood u leh inuu ku hogaamiyo koox kasta qaab ciyaareed kale”.

“Thibaut Courtois waa goolhaye aad u wanaagsan, wuxuu ahaa sidoo kale ahaa goolhaayahii ugu fiicnaa koobka aduunka 2018, taasi waxaan ku wada aragnay indhaheena”.

“Jan Oblak waa goolhaaye aad u wanaagsan ee ka tirsan kooxda Atletico Madri, laaakiin Thibaut Courtoiswax walba wuxuu sameeyay kooxihiisa iyo xulkiisa”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close