Buffon oo ku tilmaamay fadeexad in ilaa iyo haatan Neymar uusan ku guuleysan Ballon d’Or

(PSG) 31 Dis 2018.Goolhaayaha kooxda Paris Saint-Germain Gianluigi Buffon ayaa aamini la’a in ilaa iyo haatan uu saaxiibkiis Neymar Jr ku guuleysan abaal marinta xiisaha badan ee Ballon d’Or.

Neymar ayaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay xidigaha ugu fiican kubada cagta aduunka xiligan la joogo, marka loo fiiriyo awoodiisa ciyaareed ee kuba cagta.

Hadaba halyayga kubada cagta talyaaniga Gianluigi Buffon ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay saaxiibkiis Neymar Jr.

“Waxaan lasoo ciyaaray geesiyaal badan, waxaan doonayay inaan ka garab ciyaaro qof walba xitaa Cristiano Ronaldo”.

“Laakiin halkan Paris, ma ahan sheekada inaysan jirin geesiyaal, Neymar Jr iyo Kylian Mbappé waa kuwo qaas ah”.

“Waxaan dhihi karaa in Neymar uusan ku guuleysan Ballon d’Or ilaa iyo haatan waa fadeexad, waana inuu ka caroodaa arintaas”.

“Isaga iyo Mbappé waxay heystaan tayo aan marnaba leysla barbardhigi Karin, waxay awood u yeelan karaan inay maamulaan kubada cagta muddo 10 sano ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close