SAWIRRO: Marcus Rashford oo CABSI ku abuuray Manchester United

(Manchester) 30 Dis 2018. Manchester United ayaa gaartay guul kaloo wayn kaddib markii ay 4-1 ku mareen kooxda Bournemouth.

Waa guushii saddexaad oo xiriir ah iyo waliba goolal badan tan iyo sidii uu kooxda uga tagay Jose Mourinho isla markaana uu xilka si ku meel gaar ah ula wareegay Ole Gunnar Solskjaer.

Yeelkeede, Rashford oo kulanka wacdaro dhigay ayaa Cabsi ku abuuray kooxda Manchester United iyo taageerayaasheeda kaddib markii uu ka dusay kanaalka looga boxo garoonka kaddib markii la badelay.

Dhaliyaha reer England oo gool dhaliyay midna dhiibay ayaa lagu badelay Lukaku daqiiqadii 70-aad.

Laakiin wuxuu si toos ah uga baxay garoonka halkii uu keydka fariisan lahaa, oo waxaa iminka la aaminsan yahay  inuu gaaray dhaawac gumaarka ah.

Rashford ayaa baryahaan laga ciyaarsiinayay booska uu jecel yahay ee weerarka dhexe iyadoona keydka loo dhigay Lukaku.

SAWIRRO:

 

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close