SAWIRRO: Giroud iyo Willian oo dhaawacyo soo gaaray kaddib guushii Chelsea

(London) 30 Dis 2018. Chelsea ayaa gaartay guul muhiim u ahayd kaddib markii ay gool madi ah kaga adkaatay Crystal Palace.

Dhaliyaha reer France ayaa daqiiqadii 75-aad lagu badelay Alvaro Morata kaddib markii uu soo gaaray dhaawac u muuqday Canqowga.

32-jirka ayaa laad kulul dhaliyay balse offside la yiri, laakiin isla kubbadaas ayaa waxaa ku dhaawacay Jason Tomkins.

Garoonka ayaa yare lagu daweeyay ka hor inta aan lagu badelin Morata.

Willian ayaa isna garoonka ka baxay iyadoona lagu badelay daafaca reer Brazil ee Emerson.

Markii hore lama moodeyn inuu wax dhibaato ah qabo Willian laakiin markii dambe ayaa la arkay iyadoo uu Baraf ugu xiran yahay kubka lugta.

Blues ayaa waxaa horey uga dhaawacnaa Pedro iyo Callum Hudson, waxaana iminka dhaawacyo laga soo sheegay Giroud iyo Willian inkastoo aan la ogeyn heerka uu gaarsiisan yahay dhaawacyada ay qabaan.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close