Manchester City oo ugu dambeyn ku soo laabatay wadada guusha, kadib markii ay si raaxo leh kaga adkaadeen kooxda Southampton + SAWIRO

(Premier League) 30 Dis 2018Manchester City ayaa guul raaxe leh gaartay, waxay 1-3 kaga badisay kooxd kooxda Southampton, Sky Blues ayaana markale cagta saartay wadada guusha, kadib markii laga soo adkaaday labadii kulan ee lasoo dhaafay.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-3, ay ku hogaamineyso kooxda Man City, iyadoo laba dhinac ay fursado dhawr sameeyeen laakiin ma suuragalin in ay iska dhaliyaan goolal intaas ka badan.

Daqiiqadii 10-aad ee dheesha David Silva ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Manchester City, kadib markii uu caawinta goolkan ka helay saaxiibkiis Bernardo Silva, ciyaarta ayaana sidaas ku noqotay 1-0.

Balse kooxda martida loo ahaa ee Southampton oo qeybta hore ee ciyaarta sameysay fusado dhowr ah aya waxay awooday inay hesho goolka brbarha waxaana daqiiqdii 37-aad ciyaarta 1-1 ka dhigay Pierre Hojbjerg.

Laakiin James Ward Prowse oo ka mid ah xidigha kooxda Southampton ayaa iska dhaliyay gool daqiiqdii 45-aad ee ciyaarta, waxayna dheesha sidaas ku noqotay 2-1.

Sergio Aguero ayaa kahor inta aan la aadin qeybta nasashada ciyarta wuuu dhaliyay goolk 3-aad ee kooxda Man City, kadib markii uu goolkan ka caawiyay Olexandr Zinchenko, waxana ciyaarta lagu kal nastay 1-3.

Qeybta labaad marka dib leysugu soo laabtay ayay markale kooxaha Southampton iyo Manchester City sameeyeen fursado dhow ah ay goolal ku dhalin kareen.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 1-3 ay guusha ku raacday kooxda Manchester City, waxayna Sky Blues ku soo yareesay farqiga u dhexeeyay iyaga iyo Liverpool 7 dhibcood, xili sidoo kale ay booska 2-aad kala baxeen Tottenham Hotspur.

Raheem Sterling (right) and Riyad Mahrez arrive at St Mary's ahead of Sunday's 2.15pm match

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close