Kooxda Barcelona oo war rasmi ah kasoo saartay arinta Adrien Rabiot

(Barcelona) 30 Dis 2018. Kooxda reer Spain ee Barcelona ayaa war rasmi ah kasoo saartay wararka dhawaanahan lala xiriirinayay laacibka khakda dhexe reer France iyo kooxda PSG ee Adrien Rabiot.

Hadaba kooxda ka dhisan gobolka Catalonia ee Barcelona ayaa ugu dambeyntii website-keeda rasmiga ah ku daabacday war rasmi ah ay kaga hadleyso arintan.

“Kooxda Barcelona waxay xaqiijineysaa, inaysan jabinin sharciyada la xiriira saxiixa xidiga Paris Saint-Germain ee Adrien Rabiot”.

“Barçelona waxay mar walba dooneysaa inay ula shaqeyso si cadaan ah Paris Saint-Germain iyo kooxaha kale”.

“Kooxda Barcelona waxay beenineysaa, inay jiraan wax heshiis ah nooca uu doono ha noqdee ee ku saabsan Adrien Rabiot”.

Waxaa jiray dhawaanahan warar dhowr ah ee ku saabsan in Barcelona ay si shaqsiyan heshiis ula gaartay Adrien Rabiot, gaar ahaan xili heshiiskiisa kooxda PSG uu ku egyahay dhamaadka xili ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close