Isco oo ugu dambeyn afka furtay……(Muxuu yiri?)

(Madrid) 30 Dis 2018. Isco ayaa ugu dambeyn afka furtay isagoona ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu ka tagayo kooxda Real Madrid bisha Janaayo marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Waxaa la wariyay in Chelsea ay dalab 70-milyan ah ka gudbineyso kubbad qaabeeyaha reer Spain.

26-jirka ayaa qalbi jabiyay kooxihii doonayay isagoona sheegay in suuqa janaayo uusan meel uga socon Real Madrid isla markaana uu ku faraxsan yahay.

Isco ayaa keydka daris la noqday tan iyo sidii uu Solari si ku meel gaar ah u qabtay xilka tababaranimo ee Los Blancos.

Waxaa lagu soo bilaabay hal kulan oo qura halka uu lix kulan kale badel ku yimid.

Yeelkeede, Isco ayaa ka dhawaajiyay inuusan maanka ku heyn wax qorshe ah uu kaga tagayo Real Madrid.

“Aad baan ugu faraxsanahay sanadka Cusub,” Isco ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa.

“Meelna ma aadayo suuqa jiilaalka, aad baan u faraxsanahay, dabcan waxaan doonayaa inaan la sii joogo Real Madrid waxaan doonayaa inaan sii wado ku guuleysiga koobabka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close