Gorsoore Caan ka ah Ciyaaraha Soomaalida oo Dhawaan ku Geeriyooday Muqdisho

(Muqdisho) 30 Dis 2019. AUN waxaa goor dhow Muqdisho ku geeeiyooday Xasan Diritoor oo ka mid ahaa garsoorayaashii ugu saameynta badnaa dalkeena.

Ma jirin Xanuun la ogsoon yahay ee u qabay AUN Diritoor, isagoo si nabad ah ku jiiftay xalay balse saakay qoyskiisa ay ku waabariisteen Xasan oo Meyd ah.

Waxaa lagu xasuustaa ciyaartii Xasan-yaasha ama afarta Xasan ay dhex dhexaadinayeen kullan kala bax ah oo dhex-maray Jeenyo iyo Madbacadda.

Xasan Garre ayaa dhex dhex- dhexaadinayay kulankaas halka Xasan Fareey iyo Xasan Diritoore ay ahaayeen labada calan wade, waxaana keydka fadhiyay Xasan sheylillaah, sida uu inoo sheegay Xasan fareey oo ah Xoghayaha Xiriirka kubadda cagta somaaliya kana mid ahaa ragii dhex dhexaadiyay dheeshaas.

Diritoore ayaa ahaa guddoomiye ku xigeenkii Mucaaradka xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya garabkii uu ka geeriyooday Faarax Sindiko, waxaana lagu xasuustaa in uu horjeege ka ahaa kullan lagu doonayay in booska Sindiko uu buuxiyo wiilkiisa Axmed Farah Sendiko.

Kaddib Faarax Sindiko waxaa doorashada u sharaxnaa Muxudiin Darba Weyne, Saciid Mugaambe AUN iyo Bashiir Goobe oo uu ku xigeen u ahaa Diritoor.

Ugu dambeyn doorashadii ka dhacday Beydhabo waxaa ku soo baxay Darbe weyne, inkastoo markii dambe uu shaqada Toos ula wareegay Mugaanbe.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close