December waa Bishii ugu fiicneyd Ebid waayaha ciyaareed ee Pogba….(Sidee????)

(Manchester) 30 Dis 2018. Paul Pogba ayaa burhaantiisa la soo baxay tan iyo sidii kooxda looga ceyriyay macalinka uu dagaalka kala dhexeeyay ee Jose Mourinho.

Kubbad qaabeeyaha reer France ayaa sii cago cageynaya afar gool iyo saddex caawin ah 3-kulan tan iyo sidii uu xilka Man United si ku meel gaar ah ula wareegay Ole Gunnar Solskjaer.

Haddaba taa ayaa ka dhigan in Bishan December ay tahay bishii ugu wacneyd ebid waayaha ciyaareed ee Pogba.

7-gool ayuu ku lug lahaaday, afar uu dhaliyay iyo saddex uu caawiyay, Bishan December ayaana sidaa ku noqotay bishii ugu wacneyd waayihiisa ciyaareed oo uu goolal intaa la eg ku lug lahaado horyaal bil gudaheed.


Gool FM. 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close