DAAWO: “Xiriirka FA waa idin baryeynaa Shaqadiina qabsada.”.- Taageerayaasha Arsenal oo DACAWAD ka ah Sadio Mane

(London) 30 Dis 2018. Liverpool ayaa xalay si xun ugu tumatay Arsenal oo marti ugu ahayd Anfield kaddib markii ay shan gool ugu madashay gool ay la hormareen.

Yeelkeede, Taageerayaasha Arsenal oo baraha bulshada ku soo yaacay ayaa FA u gudbiyay dacwad ay ku codsanayaan in la ganaaxo dhaliyaha reer Senegal ee Sadio Mane.

Mane ayaa u muuqday inuu Ceego ku dhagay Stephan Lichtsteiner mar ay is garbiyeen.

Mid ka mid ah taageerayaasha cabanaya ayaa soo qoray: 

“Mane waxay ahady in garoonka laga saaro, Qaaligeyga FA, fadlan shaqadiina qabsada.

Ku kalaa soo qoray: “Sidee midaa Kaarka Cas loogu siin waayay Mane, labada gacmood uu cunaha uga qabtay, FA-ga wuxuu sameynayaa wax kasta si uu u caawiyo qashin cunayaasha si ay ugu guuleystaan Premier League balse weli ma dhicin midaa.

Mid kalaa soo qoray: “FA ga waa inuu fiiriyaa wixii uu halkaa ka sameeyay Mane, wuxuu cunaha ka qabtay Lichsteiner. Waa in midaa lagu ganaaxaa.

DAAWO:

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close