Cesc Fabregas oo go’aan gaaray iyo tababare Sarri oo Chelsea ka codsaday in…..

(London) 30 Dis 2018. Kubbad qaabeeyaha reer Spain ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa go’aan ku gaaray inuu isaga dhaqaajiyo Stamford Bridge isagoona durba wada hadalo la bilaabay kooxdiisa sida ay warinayaan warar ka imaanaya dalka Spain.

Heshiiska uu 31-jirka kula joogo Blues ayaa dhacaya dhammaadka kal ciyaareedkan iyadoona beeca xorta ah lagu heli karo suuqa xagaaga.

Fabregas ayaa horey u qiray inuu doonayo inuu sii joogo Chelsea balse kooxdiisa ayaa u soo bandhigi waysay heshiis kordhin.

Warsidaha Marca ayaana iminka warinaya inuu naadigiisa la bilaabay wada hadalo uu kaga tagayo.

Fabregas weli heshiis lama gaarin kooxda uu ku biiri lahaa marka uu ka tago kooxda reer London, laakiin Marca ayaa sheeganaya in ilo wareedyo ku dhow dhow wada hadalada uu Chelsea kaga tagayo ay sheegayaan in bar-dhammaadkiisa uu noqon doono Mashruuc Cusub oo Yurub ah.

Monaco iyo AC Milan ayaa si xoogan lala xiriiranayaa laacibka reer Spain, laakiin Tababare Sarri ma doonayo inuu waayo adeega Fabregas wuxuuna yiri:

Image result for Fabregas and Sarri

“Waxaan doonayaa inuu kooxda sii joogo, ma garanayo go’aanka kama dambeysta ah ee Fabregas iyo midka kooxda.

“Laakiin aniga ahaan aad ayay muhiim u tahay inuu joogo haddii uu tagana waxaan aaminsanahay inaan u baahanahay inaan soo iibsano laacib kale, mana sahlana midaa maxaa yeelay farsamo ahaan Fabregas waa ciyaaryahan aad muhiim u ah.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close