Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

(Europe) 29 Dis 2018. Maalmo yar ayaa naga xiga inuu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda oo albaabada loo balaqi doono 1-da bisha Janaayo iyadoo uuna xirmi doono 31-da.

 Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta suuqa laga furayo ilaa uu ka xirmayo.

Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararka Xanta ee ku aadan ciyaartoyda insha’alaah.

Tababaraha Juventus Massimiliano Allegri ayaa lala xiririnayay inuu noqdo macalinka Machester United balse wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay kooxda reer Talyaani. (Calciomercato)

Bayern Munich  ayaa lagu wadaa in suuqa Janaayo ay dalab 13-milyan ah ka gudbiso weeraryahanka Chelsea Callum Hudson-Odoi, 18-jir. (Mail)

Laacibkii hore ee garabka weerarka Arsenal Jose Antonio Reyes 34-jir ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto kooxda si uu qeyb uga noqdo tababarayaasha ka hoos shaqeeya  Unai Emery. (Star,)

Tababaraha Arsenal Unai Emery ayaa u muuqda inuu safkiisa ka reebay kubbad qaabeeye Mesut Ozil 30-jir kulanka ay caawa u safrayaan Liverpool. . (Express)

Emery ayaa sheegay inuu iska diiday fursad uu kula soo saxiixan karay Maxamed Saalax mar uu joogay PSG maadaama uu shaki ka qabay 26-jirka weerarka kaga ciyaara Liverpool kaa uu iminka u arko mid ka mid ah shanta ciyaaryahan ee ugu fiican adduunka. (Mail)

Agaasimaha ciyaaraha ee AC Milan Leonardo ayaa sheegay in Chelsea aysan sameyn dalab ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka reer Argentina 31-jir kaa oo amaah ku jooga San Siro isagoona ka yimid Juventus. (Evening Standard)

Weeraryahanka PSV Eindhoven Hirving Lozano, 23-jir ayaa ka mid ah xiddigaha bartilmaameedka sare u ah macalinka Chelsea Maurizio Sarri. (Express)

31-jirka qadka dhexe kaga ciyaara Chelsea Cesc Fabregas kaa uu qandaraaskiisu dhacayo bisha Juun ayaa Stamford Bridge ka tagi doona si uu ugu biiro koox kale oo ka dhisan Yurub.  (Marca) 

Da’yarka qadka dhexe ee Manchester City  Brahim Diaz ayaa lagu wadaa inuu kooxda ka tago uuna ku biiro Real Madrid heshiis ku kacaya 13.5-milyan oo lagu daray lacagaha gunnooyinka, 19-jirka ayaana la filayaa inuu heshiis lix sano ah u saxiixo kooxda ka arrimisa Bernabeu.  (Marca)

Xididga qadka dhexe ee Manchester Unnited  Andreas Pereira ayaa ka baaraan dagi doona inuu ka tago kooxda ilaamaa uu helo waqti badan uu ku ciyaaro, Arsenal Everton iyo West Ham ayaa wada xiiseynaya 22-jirka. (Star)

Liverpool ayaa waxaa dalab ka soo gaaray kooxda reer Portugal ee Sporting Lisbon oo ku aadan saxiixa 18-jirka qadka dhexe ee  Rafa Camacho si ay amaah ugu qaataan bisha Janaayo, halka kooxo kale oo dhowr ah oo ka ciyaara Championship ay sidoo kale waydiisteen haddii la heli karo.  (Liverpool Echo)

Everton ma qorsheynayso inay sameyso wax saxiixyo muhiim ah bisha soo socota, agaasimaha ciyaaraha Marcel Brands ayaa sheegay in hadafkoodu uusan ahayn inay eegtaan ciyaartooy cusub suuqan Janaayo. (Liverpool Echo)

Aston Villa ayaa ka baxday heshiiska ay kula soo saxiixan lahayd daafaca dhexe ee Chelsea Gary Cahill 33-jir, sababo la xiriira Kharashka lagu lifaaqay heshiiska.  (Telegraph)

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan. (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close