Ronaldo oo Ku Fashilmay Rikoodh Caado u ahaa 7-dii Sano ee lasoo dhaafay…( Ogoow Sababta )

( Turin ) 29 Dis 2018. CRISTIANO RONALDO wuxuu ahaa mid gool kaliya uu kaga harsanaa goolasha 50-ka gool ee sanad laha uu u dhaliyo koox iyo xulkiisa sanadkan dhammaanaya ee 2018.

Tan iyo sanadkii 2011 Ronaldo, oo usoo cayaaray Real Madrid iyo Portugal ayaa dhalinayay 50-gool sanad kasta bilaha January ilaa December.

Yeelkeede, 33-sano jirkaan ayaa dhaliyay xagaagan 49-gool isagoo u dheelay Madrid iyo haatan uu kamida yahay Juventus oo ka dhisan horyaalka Serie A.

Ronaldo wuxuu usoo dhaqaaqay Juventus bilaawga kal cayaareedkan heshiis dhan £88.3million taasoo soo gabagabeysay 8-sano uu ku sugnaa kooxda Madrid.

Goolasha Ronaldo uu u Dhaliyay Koox iyo Xulka Sanad kasta 

Intii uu kabtanka Portuguese ku guda jiray waqtigiisii naadiga Madrid wuxuu kula guuleystay laba jeer horyaalka iyo afar mar oo koobka Champions League.

Ronaldo ayaa xagaagii uu ugu goolasha badnaa wuxuu ahaa sanadkii 2013 markaa uu weeraryahanka dhaliyay 69-gool.

Ku guuleystihii koobka qaramada yurub ee 2016 ayaa sido kale loo doortay shan jeer laacibka Ballon d’Or waqtigii uu ku sugnaa caasimada Spain iyadoo Lionel Messi uu yahay shaqsiga ay min shan jeer wadagaan jaa’izadan.

Ronaldo ayaa dhaliyay 15-gool 26-kiisa kulan uu saftay xagaagan waxaana kamida goolka qura uu xilli cayaareedkan ka dhaliyay Champions League kasoo uu ka dhaliyay kooxdiisii hore ee Manchester United.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close