Messi oo go’aamiyay waqtiga uu dib ugu laabanayo xulkiisa Argentina

(Barcelona) 29 Dis 2018 Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa go’aamiyay waqtiga uu dib u xiran doono maaliyada xulkiisa.

Tan iyo koobkii adduunka ee sanadkaan lagu qabtay Ruushka Messi wuxuu si ku meel gaar ah isaga siibay funaanada xulkiisa.

Marca ayaa daaha ka qaaday in Messi uu doonayo inuu xulkiisa markale u ciyaaro bisha June markaas oo xulku uu ka qayb galayo Copa America 2019.

Waxaa la xaqiijiyay in Messi uusan garoon u gali doonin xulkiisa Argentina wixii ka horeeya bisha June taas oo dhabar jab ku ah xulka.

Balse laacibka ayaa isku dayi doona inuu xulkiisa la qaado Copa America ee 2019.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close