Maxaa ka jira in Borussia Dortmund iyo Chelsea ay ka heshiiyeen saxiixa Christian Pulisic?

(London) 29 Dis 2018 Da’yarka reer Maraykan ayaa soo jiitay inta badan kooxaha ka dhisan qaarada yurub, waxaana ku tartamaya saxiixiisa kooxo badan.

Isbuucyo ka hor ayaa la sheegay in Liverpool ay hogaanka u hayso tartanka saxiixa 20 jirkaan reer Maraykan ee Christian Pulisic.

Image result for Pulisic Chelsea

Laakiin wargayska Bild ayaa baahiyay in Borussia Dortmund iyo Chelsea ay ka heshiiyeen saxiixa Christian Pulisic.

Labada kooxood ayaa isla meel dhigay in Chelsea ay bixiso lacag dhan 50 milyan oo euro isla markaana Christian Pulisic uu ku biiro dhankooda dhamaadka xiliciyaareed kaan.

Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonta saxiixa Christian Pulisic suuqa Janaayo, laakiin kooxdiisa ayuu la sii joogi doonaa inta ka harsan xiliciyaareed kaan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close