Cristiano Ronaldo oo RIKOOR Gaar ah ka sameeyay Serie A (Wuxuu noqday laacibkii ugu horeeyay ee ……!!)

(Turin) 29 Dis 2018 Weerar yahanka reer Portugal ee Ceistiano Ronaldo ayaa rikoor gaar ah ka sameeyay Serie A kulanka haatan socda ee Sampdoria.
Ronaldo ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus kulanka haatan socda, goolkaas ayaana ah kiisii 13-aad ee xiliciyaareed kaan uu ka dhaliyo horyaalka talyaaniga.
Cristiano ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee Portugal u dhashay ee goolasha ugu badan ka dhaliya Serie A hal xiliciyaareed.
Wuxuu dhaafay xiddigii hore ee ay isku dalka yihiin ee Rui Barros oo u soo ciyaaray Juventus kaas oo gaar la ahaa rikoorkaan uu maanta dhaafay Ronaldo.
Sidoo kale Ronaldo ayaa hogaanka gool dhalinta Serie A la qabtay laacibka kooxda Genoa ee Krzysztof Piątek oo ay wada leeyihiin min 13-gool.
Gool FM