Cristiano Ronaldo oo la hadlay warbaahinta kadib guushii ay ka gaareen kooxda Sampdoria

(Serie A) 29 Dis 2018. Cristiano Ronaldo ayaa si weyn u taageeray muuqaal caawiyaha garsoorka (VAR) ee horyaalka Serie A dalka Talyaaniga.

Xidiga reer Portugal ayaa wuxuu dhliyay 2 gool kulankii horyaalka Serie A ee dhawaan soo idlaaday kadib markii ay kooxda Sampdoria kaga adkaadeen 2-1.

2-da gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo waxaa ku jiray gool rigoore ah, kadib markii uu garsooraha ciyaarta ku abaal mariyay rigoore kooxda Juventus, isagoo u adeegsaday muuqaal caawiyaha garsoorka ee (VAR).

Hadaba Cristiano ayaa kadib marka ay ciyaarta soo idlaatay wuxuu la hadlay shabakada Sky Sport Italia wuxuuna yiri:

“Kooxdu si fiican ayay u shaqeyneysaa, waxaan qaadanay kala barka xili ciyaareedka ee aad u fiican”.

“Lakiin waa inaan sii wadnaa qabashada shaqada adag qeybta labaad ee xili ciyaareedka”.

“Waan jeclahay muuqaal caawiyaha garsoorka ee VAR, sababtoo ah go’aamada qaar waa kuwo ay adag tahay in la maareeyo, waana inaan soo dhaweynaa wax walba ee fududeynaya”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close