Cristiano Ronaldo oo Guul ku Hogaamiyay Juventus… Xilli Sampdoria laga diiday Goolka Bareejada+SAWIRRO

( Serie A ) 29 Dis 2018. Juventus ayaa dib ugu soo laabtay wadada guusha kaddib markii ay 2-1 kaga badiyeen Sampadoria, inkastoo kooxda Martida goolka bareejada laga diiday dhamaadka kulanka.

Qeybta hore cayaarta ayaa lagu kala maray 1-1, waxaana hogaanka dheesha qabatay Juve oo uu goolka u gaaray markii cayaarta kaliya socotay 3-daqiiqo Cristiano Ronaldo.

Laakiin intaa la aadin  nasiinada kulanka Sampdoria ayaa la timid goolka bar-barha waxaana shabaqa u gaaray dhaliyahooda Fabio Quagliarella oo rigoore u dhaliyay.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiyaha labaad Binaconeri ayaa la wareegtay maamula cayaarta isagoo sameeyay dhawr isku day oo goolka ah.

Markii dheeshu socotay daqiiqadii 65-aad markale Ronaldo ayaa hogaanka usoo celiyay Juventus oo Rigoore u dhaliyay kaddib kubbad ay gacanta ku taabteen xiddigaha Samp.

Laakiin kooxda martida ayaa dhammaadka cayaarta laga diiday goolka bareejada uu u dhaliyay laacibka badalka kusoo galay ee Riccardo Saponara balse kubbadaa waxaa Offisde ama leen ka bax ku tilmaamtay aalada VAR oo gabi ahaanba meesha ka saartay goolka Samp ay kula wadaagi laheyd dhibcaha hogaamiyaasha Juventus.

Cristiano Ronaldo prepares to take a penalty

Cristiano Ronaldo celebrates

Albin Ekdal in action

Fabio Quagliarella in action

Fabio Quagliarella scores from the spot

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close