Barcelona oo markale ka saramartay Real Madrid sanadkii labaad oo xiriir ah!

(Barcelona) 29 Dis 2018 Barcelona ayaa ka saramartay dhigeeda Real Madrid marka la fiiriyo lacagihii ay ka soo xareeysay xaquuqda baahinta TV-yada.

La Liga ayaa soo saaray liiska kooxaha horyaalka Spain sida ay u kala heleen xaquuqda baahinta TV-yada, Barcelona ayaana noqotay kooxda heshay lacagta ugu badan.

Image result for Barca Real

Xiliciyaareedkii 2017-2018, Barcelona ayaa ka heshay baahinta kulamadeeda lacag dhan 154 milyan oo euro, Real Madrid oo ku jirta booska labaad ayaa heshay 148 milyan oo euro.

Atletico Madrid ayaa ku jirta booska 3-aad waxayna heshay 110.5 milyan oo euro, Sevilla ayaa ku jirta booska 4-aad oo heshay 75 milyan oo euro.

Athletic Bilbao ayaa ku jirta booska 5-aad waxayna heshay 73.5 milyan oo euro.

Waa xiliciyaareedkii labaad oo xiriir ah oo Barcelona ay xuquuqda baahinta kulamad ay ku garaacdo Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close